BARE SARE AABAHAY AHU

   BARE SARE AABAHAY AHU
—-WQ:Abdijibaar Aaden Gaas —–
Aabahay AHU wuxuu ka qaybgalay dagaalkii 2aad ee dunida wuxuuna ahaa ciidankii soomaalida ee gulufkaas loo gaynjiray Barma kanasocday xulafadii ingiriiska waxaan xasuustaa anigoo yar qiyaastii ilaa 5-6 sano midkood jira ayuu habeenimo caways nooga xikaayooday sheekooyin dhaadheer iyo wacdarihii dagaalka muuqaalladdii qalfoofkii maydkii iyo madaxyadii dunida gandooday jarmalkii jabay askartii sida taallooyinka u runduday daafaha dunida sidii soomaalidu uga qayb gashay dagaalkii iyo inay iyagu ugu geesisanaayeen dadyawgii ku hardamay darajooyinkii iyo billad-geesiyadii ay ka qaateen Ingiriiska iyo qalabkii tirada badnaa ee kale
wuxuu sheekada soo hitiqiyo oo habeenba meel cusub oo ay u hoydeen nooga sheekeeyo anigu caruur baan ahay maskaxdaydana waxa ay qabatay markii hore dagaal iyo dil

waxaanu fadhinaa ardaaga guriga waan iska fikirayaa oo sheekada badankeed iguma socoto ee waxaa gaar iigu guntan sidii wax loo dilay iyo sidii wixii la dilay u dhintay illaa caruurtu waa kuwa jecel wax kasta oo la sheego in ay muuqaal ka arkaan oo looga sheekeeyo sida waxaasi u dhiganyihiin

goor ay sheekadu meel macaan marayso oo duxdii ay macaan sanayaan wixii dad waawayn joogay ayaan anigoo aabe dhiniciisa gogosha la jiifa ku idhi aabow adigu weligaa qof ma dishay?
kala aamus iyo qosol baa dhacay
balse maskaxdayda ayaa la daallan su’aalo tiro badan oo kala ah
dadka miyaa la dilaa?
maxaa loo dilaa?
miyaa la wada dilaa?
mise qaar baan la dilin?
ma aanan wayddiin dhamaan su’aalahan aabahay balse dhamaantood waxaa keenay su’aasha hore oo kaliya oo iyadu noqotay su’aasha aan dibadda u soo tuuray

ilbidhiqsiyo yar oo aabe aamusnaa gudohood ayuu iigu jawaabay
maya aabe anigu waxba maan dilin weligay midkaliya ayaan dilay kaasina gaal inasoo doontay ayuu ahaa oo amxaaro ah
sida la ogyahay ciidamadii Banama la geeyay ee soomaalida dagaalku wuu ka hor dhamaaday oo dagaalba may galin balse aabe taariikhdii iyo sidii ay wax u dheceen ayuu nooga sheekeeyay sidoo kale wuxuu aabe iigu sheekeeyay qaab tacliimina ka sokow taariikhda iyo wixii dunida kasoo dhacay ma uu iigu jawaabin intaas oo kun baanu dilnay ma uu odhan waanu gumaadnay iyadoo boqolaal malyuun oo aadane ku shuf beeleen dagaalkaas, haddana aabe iyo ciidankiisii iyagoo ka guulaystay Germany gii wuxuu i siiyay cashar aan ogolayn fikirka dagaalka aan ogolayn fikirka dilka iyo gacan ku dhiiglenimada, haddiiba laga tagiwaayona uu dilku macno iyo mabda yeesho.
waan ogahay oo aabahay weligii aadane ma dilin iskaba daaye wuxuu ahaa noole shakhsiga ugu ixtiraam qaddarin dad jacayl qiiro dhiig laab xaadhnaan badan,
balse wuxuu ii saxayaa mabda’a aan laga fursanayn ee aan aaminidoono inta aan noolahayna aan ku dhaqmidoono,

sida runtii waxaan xasuustaa oo keliya intaas aan idiin sheegay waayo garaadkayga iyo gugayga oo aad u yaraa awgeed xataa ma garankaro goobta iyo guriga ay habeenkaas ahayd balse dhamaan waxaan xasuusanahay sheekooyinkii iyo madadaaladii tacliimintii ku dhisnayd toosinta iyo korinta garaadka ee aabe noo sheegijiray
Taariikhda
maaweelada
xayawaannada sheekooyinka boqorka kaynta libaaxa geela noloshii iyo waayihii ay soo mareen isaga iyo walaalihiis magaalada ka hor iyo wixii soo maray.
midna maan ilaawin inkastoo gugaygu le’ekaa haddana sheeko walba oo aabe afkiisa aan ka maqlay maan hilmaamin waxaana ugu wayn sheekooyinkii dhisitaanka nolosha iyo maahmaahyadii oo noloshayda maalinlaha hortayda yimaadda.

sheekooyinkii hal adayga shakhsiga geesinimada iyo sida uu uga dabbaashay noloshii Qarnigiisa
waxa uu ii ahaa bare sare iyo mucallim caalim ah oo og dhaxalka adduunka ugu qaalisan ee uu ka tagayaa in uu yahay mabda’a shakhsiyad iyo tub toosan oo uu kaga duwanaa lodkii iyo Qarnigiisii.

Aabe janooyinka sare ayaynu ku kulmidoonaa ilaahay idankiis meel aan laga dhimanayn lagana gaboobayn lagana guurayn
الله يرحمك يا ابي ومعلمي الفكر والتعليم
وكم من لحظة أتفكر بحكاية ودروس علمتني
آراك وسوف نجتمع أبي ونجيب قلبي في جنات الخلد ونعيمها

Advertisements

Gabay yawle

Caynaanshe Habar Yoonistuu ciili jirey waaye
Cidna kuma xukumo Reer- Ammaan cidhifki Tuuyoode
Kulay Cali Siciid tahay ma jiro nimay cadaabane
Cabdallaha yaryari haatan waa cagacageeyaaye
Carrabaliyo loo diid Ugaadh inay cadaadshaane
Oo Arabba Ceegbuu ku diley curaddo reer Nuure
Muusa Cabdallaa caado tegay cidhifkii Laandheer.e
Oon cidina soo waabinayan Cayn hadduu galo.e
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey

Shirshooroo camiran Khaalidbaa Cayn ku gowracaye
Oo caaradhuub iyo la dhacay cadaw rasaaseede
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Ceelkii awaareed ogayd ciidagale daay.e
Cuud looma soo horo intay arab colloobeen.e
Cududna looma waayine naftay kala cabsoodeen.e
Cuwaafluhuna waa caaradaa curubta Guuleede
Camaskuna catooshi iyo gool kuma callaalaane
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Cimraan kama hakado Nuux hadday cod isla dhaafaane
Ma canaanto reer Daahirkii camalka waallaaye
Caynaba wadaantaanay horin waa la celiyaaye
Ciisiyo Xagaabaa la baxay Caaqil goonniyahe
Hadday waayo caabudi jireen haatan caasiye’e
Cuquunkii Ilaahay ka saar caadilka ahaaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunayda maxaa calan is wadaartey ??

Berberana cayar kama tumaan reer Wacays Caliy.e
Waa Deerayahan kaa camiray ceerigii guban.e
Baabuuradaa cuuc le bay cudud is mooden. e,
Bal cibaradaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunayd maxaa calan is waydaartey ??

Axmed Faaraxii caan ahaa cuurka reer maxamed
Cabdillahiyoow waxa beddelay ciir ku naaxyadae
Marba dunida reerbaa camira caydh ahaan jiraye
Cokadaha raggii dhaansan jirey ceegan gurigiiye
Cascaskii riyaha waxa beddelay caano geel dhalaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Ilma Aadan Cali kama cabbaan ceelki Qararroode
Colow iyo Kaliilbaa ku furay gobabki cawlaaye
Isagana cidbaa loo diroo Carabna soo guurye
Cabdina wuxu lahaa waa Mataan caaqil loo qodaye
malahay cayimadday wadeen ma calfan doonaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo
Cakuyeey adduunayda maxaa calan is waydaartey ??

Gob la ceejey iyo inan gumeed calan-wilaynaaya
Gor-gor cagaha laaladiyooy xuunsho celinayso
Carrigay ka wada taagan tahay caawa saan ahaye
Curshi male hadday Aadan Fiqi nagu cayaarane !!.

Maxamed Aadn Caws (Yawle ) AHN.

Tixihii Culus

image

Tixihii Culus Gabayo Gole ka Fuul
Tixahan waxaa Layidhaahdaa (Culus)
Culus Waa Hal Magaceed
Sida Idiin Muuqata Hashan Lays waydiinayo Dhul Fog ayaa Loo Xergeeyay
Tixahani Siday u Badan yihiin Markan way Soodhawaatay
Oo Deegaannadeedii Aad Uga Ma foga Balse Tixda u Horaysa
Ee Abdijibaar Aadan Gaas Markaa Waxaa ka Muuqata inay Fogaatay
Markan Dabena U Fikirkiisu Is Baddelay Mar Haddii Hashii Lagu sheegay Dhulka Mudug iyo Galgaduud sida tixaha Danbe Kamuuqata
Tixda hore iyo kuwa Danbe Waxaa u Dhexeeayay Muddo 4 bilood ah
Tixduna ay Dib u Furantay
Daalacasho Wacan
Waa idinka iyo
Tixihii Culus oo Rag Dhawr ahi ka Qayb Galeen Afareydan Gabayada Lays Waydaarsaday

Abdijibaar Aadan Gaas.   16/04/015
Tixda (1)
Cadduur iyo jidbaalaan lahaa Culus hakuu daaqdo
Cagaciid ha haysaan lahaa culus xagaagiiye
Jidhaamaha Carbadhis baan lahaa Culus kusii foofi
Curcurrada Guddoonlaawe iyo Aaga cadaybuur ah
Ulasamaha caankaan lahaa caadi haw mirato
Carrisyada Dureemahaye iyo ceerrigaa kalaxa
Banka caydhka ceerriga masliyo aaga cagalaaye
Casihii fargaadliyo kubiyo ceerrigaa gubadle
Casar mayrac meeshaan lahaa waatan caga Diidey
Waatan Eerigoo caweys siimartaye Mudug u sii ciirtay
Ee Ceelka Gaalkacyo iyo Jawhar Cidhif dhaaftay
Kolley Caday ma waydeen Higliyo Calaf Dameeraade
Col miyaa lategay ina Caloow waa Cajab Adduune

Ismaaciil Cali X Jaamac
Tixda (2)
Ceelbuur hashaa lagu arkee kor u caraabaysa
cagiday Ka fooftiyo guryihii caano laga waayey
Ee caruurtii baahi iyo gaajo la cawaysay
Cadaw qaadyayeey Maxaa galabta cayntaarshey
Carshintiyo maxaa kaga dikaday cidhifyaday joogtay
Ciid guduud Maxaa kaga lumoo caymasho u diiday

Faysal Goohe
Tixda (3)
carshintii jaleeliyo buq dheer cidhifyadaa soolka
cuunkii gariiriyo ilaa canani hoosteeda
ceerigay lahayd iyo nugaal caday ka daaqdaaba
ceel buur adayaa iyo dhul kale caasha galisaaba
cisho aan fogayn bay Hubaal soo cawanasaaye
ciida iyo halkay joogtay bay soo cag dhigaysaaye
ceelalyada waxaa looga shubi ceelashii beriye
ciyaalkiyo ciroolaba marbay caanaheed dhamiye
col ma qaadin ina calaw hashee ciidanbaa wadaye
halkaasaa cagaar yeelatiyo curasho roobaade
cosobkiyo kolkay doog cuntay soo gadaal celine
adiguna caloolyawga daa cadho lataahaaga
oo caynaano eebaa hayee samirka caadayso.

Abdijibaar Aaden Gaas
Tixda (4)
Haddii ay Cadaadiyo Fadhido Ceelka Guriceel ah
Calcalyay Kadhacaysaa Dhulkuna Waw Carfoonyahay
Hadday Cayntu Bahal yeelatiyo Ciidan Didinaaya
Dhurwaagii Hadduu Ciyayo oo Maalintii Cunayo
Casarkii Hadduu Soobaxoo Cadhadhaqdii yeedho
Asaanay Ciidan Xoogliyo lahayn Curaddo Soo hooya
Waa Inay Cammuuddaa Guduud Culus U Dooshaa
Caga Ciid haddii laga Didshiyo Ceerrigii Daranta
Ceelkii Wiyeerkiyo Hadday Cadaygi sii dhaaftay
Hadday Dhagax Cillaal Fuushay iyo Doollo iyo Ciidba
Haddii uu ragaad Caabbiyaa Culus kusii Dhaabmay
Oo ay Cammud Uga baxadaa waa Cawo ilaah

Ismaaciil Cali X Jaamac
Tixda (5)
Cudurdaarka gaasoow waxaad igu camaynayso
Calooshaadu waxay doonaysaan caadi u arkaaye
Cidi jiidka waxa kuugu wacan caadba qarin waaye
Caydiguna ma yeeleen weedhahaad celisay jaallow e
Ciidan bayba weydiyo warkani caatay kaa noqoye
Cafaariigsi badan iyo barbaar caana baa jira e
Calwisaha ragii ula baxaa ceelashii tubane
Cadweyne iyo huftiro bay dhab u cadceed shaane
Kaalmahay cadaan ugu dhigaan cadaygi buuraaye
Caga ciid jidbaaliyo caduur cimidhba weeyaane
Carunbaaaba tiirsamay dhulkii ciidsanka ahaaye
Caana teesha Maxaa meelo kale caawin uku dhoofshey
Cagaaga iyo buuraha Maxaa saaray calankeeda

Ahmed Haibe
Tixda (6)
Ismaaciil caloow waan cajebey curisyadaadiye
.Ceelbuur hashaa lagu arkee koru caraabaysa
Carisyada cagaar kale hashaa soo cagdhigi waydey
Camal xumo daraadeed hashaa bari ku ceeryoontay.
Cosobkiyo hashaas aan cunayn caaradiyo laanta
.Cal calyada hashaas aan cabayn cadayga hoos jiifta
.Ee calowga laga caagey iyo caraqda fuudaysa.
Cidladiyo waraabaha hashaa soo cid geliwaydey
.Ee aan cidood laga karayn cadowgan meeraaya
.aan caano caydigu ka helin weli cadaan kooda.
Calaf maleh casuusleey ninkii cuudka dhigayoowe.
Mar hadayan cayniyo tegayn cidhifka buuhoodle.
Cur curaha nugaaleed hadii lagula caalwaayey.
Ka ceshadey calooshaan ka jaray inan ciseeyaa

Abdijibaar Aadan Gaas
Tixda (7)
Maalintay Casuuriyo Fadhiday Ciidda Badheheeda
Cadaybuur markay Dhacaysay eey Cayn u Jalaqlaysay
Markay Ciid ka Dalandooshay ee Cadawgu Gaadaayay
Maad Curaddadaa keentid iyo Ciidankaa Tubanba?

Iyadoo Markaa Ciiraysoo Cagaha Jiidaysa
Iyadoo markaa Carisay oo Calan wallaynaysa
Oo ay Candhada Keentay Iyo Dhaysta Caanaha leh
Ooy Culusna Heetinayso waa Camalka Geeloodhan
Maad Curaddadaa keentid iyo Ciidankaa tuban

Markii ay Cagaar beenle iyo Ciidda Miranaysay
Curcurradatan Qararrood markay Calanwallaynaysay
Garanuugle Waagay Cagtiyo Galisay Caasheeda
Sowtii Cid Wooh sootiraah Wayday Caliyoow

Nugaal baaba Laga Caydhiyoo Saanta Loo Culaye
Daasadaa Candhada Lagala Galay Caana waayuhuye
Cuur Maxaysatuunbaa heliyo Ciiseyaal Darane
Haddii Aan Callaha Daajiyiyo Ceelashii mudug
Haddii Aan Carrada Siiyo iyo Milix Carbeedkiiba
Ama Aan Cagaag u Xerriyoo Ceelal Kale Geeyay
Ama Aan Carrada teedi jaray inan Kusoo Caynsho
Way Xeelad Caadiya Mar Uun waa usoo Culi
Balse Ciidda Ay Joogto iyo Caynti Laga keenay
Waa Ceelka Ceelkiisi iyo Cido kasii fiican

Ismaaciil Cali
Tixda (8)
Codka maxamed hayboow tixdaad curisayee sheegtay
Ka ceshaday calooshiyo qalbiga caynka kula gaadhey
Aniguna ma caaradin runtii caaqil baad tahaye
Cudurkaa ku dhacay baan lahaa caalku waa bixiye
Ibeheeda caanaha kuyaal ee candhada buuxa
Ciroolaha gaboobiyo maalinbaan lahaa caydigaa dhamiye
Alaylehee codkaagani ideeq caadilbaa jira e
Cafinmaayo gaasoow warkaad celisay jaallow e
Maalintay casuuriyo fadhiday ciida badhaheeda
Caday buur markay wabax ahayd curad rakaadaayo
Cayn iyo markay hawdka sare caga dablaynaysey
Curcurada nugaaleed markay calan walayneysey
Cidi uma ay diidine markay carunka daaqaysey
Cawa laylka guuraha hadii oodu celin weyday
Cagaag iyo dhul buurole markay cugatayoo doontay
Candhadeed la gooyey haday ceesha garan weyday
Caaneheeda dhawr tada ninkii laga caqiibeeyey
Inay cuunka aadiyo Haduu cadaw la doonaayo
Waa camalka aadmiga waxaad ii carbinaysaaye
Waa ceelka ceelkiisa kale koonfur cidhifkeeda
Hadii ay cadaaladi jiraan cudur Ka hoosaynin
Cadaawaha galbeed maxaa kadhigay coonka xeradeeda
Cidaa kala gobaysnaa hadaad caynku marinayso
Fin caloosha jira baan arkoo caabuq habayaaye
Malaha ciriqa reernimaa ku galay waan cajaba yaa e
Misee cabasho hoosaa jirtiyo ciniqyo kuu gaara

Garaad Dhuux
Tixda (9)
ragii caanka ku ahaa fardaha caynabkiyo boodka
ceshiimada ragii aan aqoon ama caroow tiinka
casar liiqa meeshii cad ceed ugu madoobaato
ragii culus xaryaha uga dhex dhigay cuunka badhihiisa
ee cadawgu uga maagay oo caynsan baajira
culusna calanku wasaran yahay camalkii waagiiye
cabsina ugama qabo ceelal yiyo camal guhaadeed

Abdijibaar Aadan Gaas
Tixda (10)
Codku murug Ismaaciil Caloow Waa Cajab aduune
Murtiduna Cillaal yeelatiyo Cidhifyo Hayl haylan
Anigana hadday ii cugtami Waan carbiyayaaye

Xikmad Caana baa tidhi mar hore Caynkan oo kale e
Maroodigu markii uu Cartamo Ciidda kicinaayo
Takartii kan kale Caydhisuu Cadho ka Qaadaayee
Haddii ay Cillado ay jiraan Carunno Hooseeya
Ceelka May Istaagteen Halkay Calan wallaynaysay
Ceelalyada Ma Aaddeen Anoo Caynabka U Fuulay
Cidi May Tiraahdeen Durboo Ceelki Gelinsoora

Caloolaha Wixii jira Rabbaa Caalimoo Garane
Su’aalahan Jawaab iiga Celi Gabaygu Cayntaaryee

Culus Way Widhiidhoo ragbaa Calal ujiidaaya
Codkay Gii tidhaahdaan Maqlaa Cadhada Awgeede
Catiraha ragbaa Geed u Sudha Maalintay Cariso
Ceelkay Istaagtaba ragbay Cidhif ka eegtaaye
Ma inay Cidhiidhiga jabtaad u Ciddi jiidaysay?
Kuddaafadaha Ceelkii Miyaad Culus la Doonaysay
Dillaaliin Cadhaysani Halkay Cimidh ahayd Maandhe!!!
Maxaad ugu Cabbayn Waa Hal Aan Curado Dhaafshaayee?

Garoowe oo Banaan Cawlanaad Culus La Doontaaye
Kurtimoo Dhammaan Cawdhay baad Culus la Doontaaye
Ciiddii Buskoo Dhacaysa baad Culus La Doontaaye
Ma Cadaawe Hoosaa jiriyo Cadho Aan ii muuqan?
Maanigaan Xog Culus Haynin iyo Culus Dareenkeeda?
Mise Cadan ayaa Laga Shirrabay Heesti Caan Noqotay?
Ma Dirkeedibaan kuu Caddayn Caawin iyo Soohan?
Hadda Coobba Waynoow Ratigi Caanabaa Dhalay!!!
Miyir baa Ku Curatoo Da’adii Waa ka Caan baxay!!!
Doobtiisa waxa Laga Cabsaday Caalamkoo idil!!

Ismaaciil Cali
Cudurbaa ku dhacay maansadii caynleyda ahayde
Aniguna ka caagani meelahaad cugatay jaalloowe
Cidkaloo Ka looshaba jidkaa caasba waan xidhaye

Xasan Abubakar
Coldhobtii ninkii cunay jidkii lagucaraabaayay
cartan,uduga gacantiisa key caa,illadi sheegtay
,Hadal celinti waakii kuyiri yaakucunay heedhe
caawana sidookale kadhigan caabi hadalkiisu
,Cadhooleey hashiibaa layiri geela weycuniye cabbaadkana madeysoo koleey wey,cargaagtamiye
caku caabuqaa hoosjiriyo ciirsi li’idiisa

Dhamaad Tixihii Culus
1:Abdijibaar Aadan Gaas (4 )Tixood
2:Ismaaciil Cali Boobe.      (4)Tixood
3:Faysal Goohe.                  (1)Tix
4:Maxamed Axmed Dhuux(1)Tix
5:Axmed Haybe.                  (1)Tix
6:Xasan Abubakar.              (1) Tix

http://www.dhaxalreeb.com

Tixaha Gurmad Gole ka Fuul

image

Tixaha Gurmad Gole Ka Fuul
Abdijibaar Aadan Gaas
GURMAD                    19/02/2015
»Haddii Aad gabyaa tahay murtida kala gorfaynaaya
»Suugaantu waa gobe haddaad gabay ka maansooto
»Waa inaad garsoorkiimartaa Xeerka uu gudo e
»Waa inaadan shay Aanu gudin galinin baalkiisa

»Goolaaftan kuma fiicna iyo gooni baadhkaba e
»Goortuu Qaddiyad waayay iyo Gole Xalaaleedba
»Curaddadiisi Goortaydhinteen uu goblamay waa fog
»Waataa Galbeed loola kacay Ereyo Gaagaaban

»Haddii Geel lagaa dhaco Colbaad Gar u horseeddaaye
»Gaadahaad ku Saartaa Markaad Goray ilaalayso
»Golihiisi oo Madhan matago Wiilki Geesiyahe
»Wixii Aad Duleedka uGashood Gama,a Diiddaaba
»Gelindhexe markii aytahaad Toos u Galaysaaye

»Adoon Gamaska Laalaadinayn Gumucna tuuraaya
»Ayuunbaad Galaa bixin Lahayd Weerar iyo Gaadmo
»Markaasay Galaayuuska iyo Olol ku Goysaaye

»Guux iyo Dareen buumarkaa Goluhu Reemaaye
»War hooy Gabaygu waa kaa dhacane yaw
gurmaday maanta!!!!

Deeq Cabdilaahi XaajiDiiriye
Waa giraan aduunyoo
abtow galinba waa cayne
Guulaamo roobaad marbay gibisha faydaaye
Beeruhu mar bay gaaciyaan midho gamuumaade
Geeliyo marbuu kuu dhalaa gaabanoow adhiye
Gibladiyo markaasaadtuntaa gole ka fuulkiiye

marna waa galoof iyo dhulkoo gubanku aasaaye
siigaa gablaysiyo abaar gaag ma reebtaahe
markaasay dadkii giringir haa kala gabloolaane
gabaygii heddii saa gashoo waa la gawracaye
gocondhaa mudaysoo ma helin ruux ka soo gura,e
ha gilgilin niyow maan gabbaday gaylan baa dhiciye
iska gama, gu, haynoo da,ee gaas ayaa kiciye

Smacil Ali
Geel hadii lagaa dhaco uu  galab ku weydaarto
Golihiisa oo madhan inaad gorosto waa ceebe
Guluf inaad habaysiyo dagaal kula gudboonaaye

Gad gadoonka raacdada markaad goob un ku ogaato
Sahankuna go aan iyo jidkii gelitin kuu sheego
Gocorbaa walaacee nin ragi geliyey duulaane
Gaadhkii ilaashiyo ragii goobku wada laaye

Kabasii garnaylkiyo hubkuu gaatayoo sidaye
Geelaba daqiiqado buu gacan ku taabaaye
Guushana ku naaloo intuu tiriyo geeraare
Gabaygana sidookale anaa gaar ilaashada e

Gunuf gaanuf Kama yeelo iyo kaan geda aqoone
Adiguna gedaa waad ogtahay gaasow xaajada e
Gagabshaaga ka ogow murtidu waa guweyn tahaye

http://www.dhaxalreeb.com