Monthly Archives: February 2015

(GURMAD) TİXO GOLE KA FUUL AH

GOLE KA FUUL
19/02/2015
Hibada Gole ka fuulku waxay ka mid ahyd Tiir kamid ah tiirarka Gabyaaga
Eebe awoodda u siiyay inuu Goob ka tiriyo gabayo geeraarro tixo iwm
İsagoo aan ka fikirayn ereyga iyo soo garashadiisa
Gole ka fuulku Wuxuu ahaa kan lagu kala saaro Gabyaaga Gabayga tirintiisa usoo fikira kan soo qora hadba inta kusoo dhacda kan wax tix raaca ama sawirta iyo Gabyaaga goob kasta uu joogo hela ereyga ee Aan u amaah tagin
Wuxuu ahaa kan lagu kala saaro gabyaaga iyo gabay dhaadhiga murtiilaha iyo murti maalka
Hadaba Anigaa dhigay meel madhan Nin ragigi waan Degey mayiraahdee waan ogaa oo ogaa inay joogaan hee ay joogaan
Murtiileyaal Gabyaa Gaammurey Aan marna usoo minddiyo lisane eebe wayne ku mannaystay Curinta helidda ereyga godka iyo gunta nuxurka
Waan Dhigay markasay dhigeen
Anigoo ka afeefanaya gabyaaga cid walba lagu sheegay
Anigoo gu gaar yeelaya ereyada Naxwe ahaan loo yaqaan Xeeldhereyaasha
Anigoo ka hufaya gabyaa ga bawsiga ka gaar yeelaya badaha suugaanta gabaygu waa erey rageede gawska ku qabsanaya Gubniyaasha kicinaaya iyo gaasas iyo ciidan
Gabaygana ku misaalaya geel lagaa dhacay Ayaan idhi tixdan gaaban

Abdijibaar Aadan Gaas
»Haddii Aad gabyaa tahay murtida kala gorfaynaaya
»Suugaantu waa gobe haddaad gabay ka maansooto
»Waa inaad garsoorkii martaa Xeerka uu gudo e
»Waa inaadan shay Aanu gudin galinin baalkiisa
»Goolaaftan kuma fiicna iyo gooni baadhkaba e
»Goortuu Qaddiyad waayay iyo Gole Xalaaleedba
»Curaddadiisi Goortay dhinteen uu goblamay waa fog
»Waataa Galbeed loola kacay Ereyo Gaagaaban
»Haddii Geel lagaa dhaco Colbaad Gar u horseeddaaye
»Gaadahaad ku Saartaa Markaad Goray ilaalayso
»Golihiisi oo Madhan matago Wiilki Geesiyahe
»Wixii Aad Duleedka u Gashood Gama,a Diiddaaba
»Gelindhexe markii ay tahaad Toos u Galaysaaye
»Adoon Gamaska Laalaadinayn Gumucna tuuraaya
»Ayuunbaad Galaa bixin Lahayd Weerar iyo Gaadmo
»Markaasay Galaayuuska iyo Olol ku Goysaaye
»Guux iyo Dareen buu markaa Goluhu Reemaaye
»War hooy Gabaygu waa kaa dhacane yaw gurmaday maanta!!!

»,markaan intaa idhi ayaa waxaa dhigay shaxda isagoo igu samirsiinaya wakhtiga ayaa inoo samaan gaadhadh baa kici doona dhiciya gabayga ayuu yidhi

Deeq Cabdilaahi Xaaji Diiriye
Waa giraan aduunyoo abtow galinba waa cayne
Guulaamo roobaad marbay gibisha faydaaye
Beeruhu mar bay gaaciyaan midho gamuumaade
Geeliyo marbuu kuu dhalaa gaabanoow adhiye
Gibladiyo markaasaad tuntaa gole ka fuulkiiye
marna waa galoof iyo dhulkoo gubanku aasaaye
siigaa gablaysiyo abaar gaag ma reebta ahe
markaasay dadkii giringir haa kala gabloolaane
gabaygii heddii saa gashoo waa la gawracaye
gocondhaa mudaysoo ma helin ruux ka soo gura,e
ha gilgilin niyow maan gabbaday gaylan baa dhiciye
iska gama, gu, haynoo da,ee gaas ayaa kiciye

Taa markuu Degey Deeq
Ayaa waxaa soo galay İsmaaciil cali
İsagoo ogaysiinaya inuu isagu u joogo gabayga gaadh ugu foogan yahay gar iyo gar darro toonna aanu u ogolayn cid kasta oo Aan gudini inay garaacato
İina markhaati galinaya intaaba ayuu isna yiri sidan

Smacil Ali
Geel hadii lagaa dhaco uu galab ku weydaarto
Golihiisa oo madhan inaad gorosto waa ceebe
Guluf inaad habaysiyo dagaal kula gudboonaaye
Gad gadoonka raacdada markaad goob un ku ogaato
Sahankuna go aan iyo jidkii gelitin kuu sheego
Gocorbaa walaacee nin ragi geliyey duulaane
Gaadhkii ilaashiyo ragii goobku wada laaye
Kabasii garnaylkiyo hubkuu gaatayoo sidaye
Geelaba daqiiqado buu gacan ku taabaaye
Guushana ku naaloo intuu tiriyo geeraare
Gabaygana sidookale anaa gaar ilaashada e
Gunuf gaanuf Kama yeelo iyo kaan geda aqoone
Adiguna gedaa waad ogtahay gaasow xaajada e
Gagabshaaga ka ogow murtidu waa gu weyn tahaye

Advertisements

Soomal,haad Abwaan Abdijibaar Aadan Gaas

Gabayga,
Soomalhaad

1 Soddon Sano Waxaa Nagu Dhacay Seefta iyo Qawda
2 Sareceenna Aasmaye Mar
hore Laga Saluugaayay
3 Seermawaydo Roobkii Madda’o Waana Sugaynaaye
4 Suryo iyo Waxaa lagujiraa Siriq Nafgooya ahe

5 Dadkii Wuu Sumooboo Waxbaa Waayo salaglayne
6 Salaasiin Bukaanoo mar hore dhiigu Suruqoobay
7 Salaasiin iyana uu Qabiil Seedda kala Gooyay
8 Salaasiin ka Taajiray mar hore sun iyo Waabaayo
9 Soosaarayaashuna Rasaas Nagu sirqaysiiye
10 Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadye

11 Socotadana Qaarbaa kutagay Taniyo Siinaaye
12 Soonkaba Badhbaa dhaafay oo Toora salagleeyay
13 Soddonaan kunbaa Saahidoo Oonta kaba Soomay
14 Sagaal Saniyo dheeraad badhbaa jeelka lagu Soogay
15 Soddon Saniyo dheeraad badhbaan waalidkood sabane
16 Saxarah Badhbaa jiifsadoo bahal Sarriigtaaye

17 Saaxillada badhbaa lagahelaa maydka Saxariiray
18 Soddon Wiil markii Aytagtaba Waa Lasugayaaye
19 Soddohaa Tahriiboo haddana lagasugaa maale
20 Sooyaalki Waa lagatagiyo Suubbanow Dhaqane
21 Diintiina laga socoyayo Sawraceed malehe
22 Suulkooda Qaarbaa Cunoo Ciilla saxariiray
23 Sanca iyo Badhbaa lagu Hayaa Saaxillada Xeeba
24 Sanggahoodi Qaarbuu lumoo Caydh lasaanyadaye
25 Abeer Soocan Geeloo Sinsiman Sawdho iyo Qaalin
26 Qaarbaa kasaahiday Inuu Seenyo Nalamaalo
27 Qaarbaa Sabeenaha Watoo Jaadna lagu Siine
28 Sirkhaannimo Badhbaa Doortay oo Maanka laga Saaray
29 Qaarbaan Samaan iyo Samaan Sawjadood Arage
30 Soddohohoodna Qaarbaan Aqoon Way Sahwiyayaane

31 Qaarbaa Socdaaloo Waqood Socod ku dheeraaday
32 Sayladaha Adduunyada Badhbaa Lagu Sargooyaaye
33 Sinahooda Iyo Laabta Iyo Sawraciyo Jiidhka
34 Badhbaa Loo Saffaaystaa Middiyo Lagu Surgooye
35 Sawsawle Qaarbaa mariyo Gagi Saboolwayne
36 Qaarbaa Suraafoobay Oo Saaqidnimo Doortay
37 Badhbaa Seeddiyadood caaya oo samaba loodiiday

38 Suuqyada Badhbaa maraya oo Salaqla Weedhaamay
39 Qaarbaa Siraad Iyo katagay Sawjadduu Qabayba
40 Sabigoodi Qaarbuu Lumiyo Siidhki Uu dhalayba
41 Qaar baa Sadkoodii Ragkale Lagu Sadqeeyaaye

42 Gobanimadi Way Suushay Oo Siidhxuun baajira’e
43 Saancaddaale Qaarbuu Latagay Sabarradiisiiye
44 Sinjidhaanimaa Soobaxdiyo Silic Qadhmuun Wayne
45 Qaarbaa Samaanyaha Gurtoo Lagu Sadqeeyaaye
46 Cudur uu Ilaah Saarikaro oo laga Saliilyoodo
47 Safmareen Dilaayaajira oon Daawo kuu Simine
48 Intaasoo Safaadaajiree See u Hurudnaaba
49 Saawiri Ninkii yeeshabay Seef u Noqotaaye
50 Saluuggiyo Haddii layska Naco Dhuuni Salaglaynta
51 Dhulkeenaa Saffaysane Nimcadu Kala Sullaacayso

52 Xeebaha Sinsiman Iyo Badaha lagu Sargooyeeyay
53 Sahay Haddaad Kaddoontana Sannado kaaba Madhanaynin
54 Sidaa Wabi Shabeelle iyo Jubbaa Nalagu Sooryeeyay
55 Annagoon Sabool iyo Ahayn Caydh Sad Lagawaayay
56 Soor iyo Anoon Waayahayn Subag ku Iidaaman
57 Sixin Iyo Anoon Waayahayn Seenyo Laga maalo
58 Sac La Maalo Saameel Dhulgoba Sawjad Iyo Luuli
59 Suusaca Darmaan Laga lisiyo Solayga Iiyaalla
60 Timirtiyo Sarreen ka Isbarkane Gadawga Iisaaran
61 Sinsinta iyo Canbaha Soohmay Iyo Beero Lagasiibo
62 Safrad Iyo Anoon Qabin Hungiyo Gaajo Lala Saaqmo
63 Suqul Iyo Anooy Iga Fogtahay Soor Xun Iyo Caato
64 Nin Sanaatti Doollara Watoo Xoolo Lagasiibay
65 Nimaan Geela Sawrici lahaan Seenyo Iyo Qaalin
66 Nin Samaan ka Caydhoo Mar hore Dhuuni Lagu Saaqay
67 Sabadiisa Nimay Gaajo Taal Suufna lagu Quudo
68 Sideen Ugu Hoydaa Maanyo Gaab Sulufay oo Caydha

69 Sange Xamariya Oo Taagan Oo koore Lagu Soohay
70 Sibraarkiina Uu Sudhanyahay Oo Sixintu Ceegaagto
71 Geeluna Nirgaha Saydhayo oo Dhayda Laga Siibo
72 Dixidiyo Saffaarkuna Sinmay oo Baadku kala Seexday
73 Gudguduhuna Uu Simay Nugaal Sabarradeedoo dhan
74 Aad Seere Mooddoo Nirgaha Baadku Sare Dhaafay
75 Baarqabkiina Uu Sabar Gottoo Dhabida Saydhaayo
76 Siniintiisu Ay Udugtahay oo Lagu Sirqaamaayo
77 Galaw Kiciye Sidisii Isana Uu Doobta kuba Suuxo
78 Saddex jeer Rakaadoo haddana Qaalmo Saminaaya
79 Siixawle Iyo Kubo Miduun Looga Sabo Ooday
80 Toggii Sarinka Waynaa Uu Biyaha Toban Sullaaceeyay
81 Ama Dhagaxa loo saaray uu lamaxda Sibaayo
82 Anigoo Sadkaygii Hayoo maalku Sabojoogo
83 Sideen Ugu Hayaamaa Nin Saad beelay Oo Bahallo Siisiibta
84 Nin Subxaanyadiyo Jiirka iyo Bahal ka Saadyeesha
85 Siilaanyadiyo Mulac Nimay Soor U Noqonayso
86 Sideen Ugu Hayaamaa Anoo Sabo Ugbaad jooga
87 Inkastoon Sariigtoo Afkay Saani ugu Sheego
88 Inkastoon Saxeex iyo kudhigo Suurad kala Gaara
89 Suugaanta Xeel Dheer Waxaan Saani Ugu Sheego
90 Waxaan Soo Sarbeebtoo Haddana Siriyo Caad Sheego
91 Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadye

92 Sidii Ruux Dhagoola Ah Ayay Iga Sarriigtaane
93 Aniguna Sidaa kuma Hadhee Dhiillo Maysudhantay
94 War Sidaa kaddaayiyo Sidaa Saw Afkuba Maaha
95 Saw Saqaafe Nabadeed Ma Ihi Saban Walboo jooga
96 Waxaan Nahay Sabuul Baxaya Oo Soohdin kaleYaalla
97 Sokkeeyiyo Shesheeyana Marbay Wada Siraattaane

98 Hadduu ruux Socdaaloo Inbadan Socoto Dheeraado
99 Sahayduna Kamadhatuu Harraad Saaqmo Gabigiiba
100 Massolaan Biyuhu Maalintuu Ceelka Sarajoogo
101 Anna Semenkan oo kale Murtidu Way Issigaysaaye
102 Saqda Dhexe Habeenkii Waxaan Sare Usooboodo
103 Sadarrada Hal Doorka Ah Waxaan Sare U Qaadaayey
104 Boqol iyo Sagaal iyo Samtaan Kaa kusoo Simaye
105 Sidaaa Iyo Salaamiyo Alloow Samaha Noojeedi
Amiiiiin Amiin Amiiin