Monthly Archives: April 2015

Haradhiig iyo Faallo Gabygii Timasoohanle

aniga waa ii tiirdhexaadka wixii gabay dhegtayda kusoo dhacay dhanka kale waxaan ka Dugsadaa Qaranjab aynu kusuganahy Halgankii dhiiga badani ku Daatay
Waxaa iisii muuqda 80 guray oo dhiig iyo dhalashoba ii xigay Aan magacyadioda inta badan hayo qaarna aan La kulmay tafiirtii kahadhay Kuwii Badhkood Dabar go,een Ee maanta Nin iyo labo inagala joogto kuna Shahiiday bogcadda Haradhiig maan arag laakiin dhiigoodii ayaan idhaha saaray qofna iga rumaysan maayo lkn mid bogcadda ila arkay ayaa iga rumaysanaya waa Haradhiig Haddaaya marka cir alle curto ayuu soo kacaa Dhiigoodu Kanasoo guduutaa Dhulka biyo dageenka iyadoo Dhoobada Gubadka u egi markay biyaha kadheregto Uu arko ninkii dhiig rag yaqaannaa oo maalintaa ragii taagnaa sheegeen inay iliiladuhu rogmadeen Xinjiruhuna Daadxoor u ahaayeen Bogcadda ma aqaan Ashkato ahaatayaana
Haradhiig Dhul alle waa dhulka ugu carrada cad waa Didib turugyo dhagax qalaxa jidhaamo dhudhubo biyo mareen ah godad aad mooddo dhufays rabaaniya
Mararka qaar waxaad arkaysaa Qalabka Dagaalka biraha xadiidka ah ee aanay ciiddu cunin si kastoo ay u midab doorsoomaan
Qoofallada fardaha dhulka ku samaysmay haddaad muddo jaftana aad aqoonsanaysid
Waxaan arkaa Ciidankii Duullaanka lafdhabarta ciideed Fardihii Xagarka dhaqaajin jiray kuwii Ciidda Kaxaysan jiray kuwii siisocon jiray uun ee aan soo noqon jirin waa kuwii ay ku baxday
“Wallee Sii siigaysee sooma siigaysaan”
Iyo weedho badan oo kale
Gabygan Ismaaciil mire wuxuu kaga sheekaynayaa dagaalkii koofil lagu dilay bal hadda waana
Timasoohanleh
Annagoo Taleex naal, jahaad taladi soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatay neef doorka
Sayidkeennu tii uu na yidhi, torog ku heensaynnay

Wareegada waxay uga tawalin, yaan wax kaa tegine
Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
Misna tawlka qaalmaha niniyo, tulud u soo saarray

Ilaahay ha tabantaabiyee, noogu tacab khayrka
Shakadaha intuu noo tamilay, tiisa nagu waani
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay

Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha qaadnay
Habeenkii fardaha waw turnaye, taag ku sii mirannay
Tun biciida lagu qoofalyoo, xamashka loo taabay

Goortii ay Talaaduhu dhaceen, talalayoo reemay
Tixda gabay kolkii aan akhriyey, toose niman jiifay
Tiraabkaygu meeshu ka baxay, la isku soo tuumi

Salaaddii markii loo tukaday, yaari kaga taagnay
Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryaynay
Intay Timacad noo soo arkeen, marada noo taage

Sengeyaal tabaadihiyo gool, weerarka u tooxnay
Sidii Teyse rooboo onkoday, tiririgtii yeedhay
Teeriyo Berbera qayladii, tahan la waydaaray

Tiiraanyo ololkii dhulkii, taani naga qaaday
Taf-wareemanmaynine intaan, tubay ku aanshaaday
Taambuuglayaaliyo kuway, tebaysey soo gaadhe

Annaguna dagaal kama tagnee, tiimbad ugu rooray
Tala xumada awrtuu xidhay, baqi tarraarsiinnay
Girligaanku meeshu turqaday, lagu tunsii geela

Tirsanmaynin uunkii tirmiyon, Tulushle Iiddoore
Turjubaannadii daba socdiyo, Koofi lagu toogay
Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay

Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay subaxaaba
Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
Galabtaa carraabada ku timid, Turugga Buuhoodle

Gebagebo u tooxnoo Kufriga, Maarre kaga teednay
Habeenkaa ninkii tabar badnaa, tarantarree gaarka
Habeen kalena taxaasheey Nugaal, Godan u tuuryaynnay

Habeen kalena Tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
Habeen kalena Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
Habeen kale Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay

Toban gool tabaadiga noqdiyo, toban unuun-gooyo
Iyo toban tiftii hore rimayoo, taawi lagu qooqshey
Iyo toban abeer tawl ahoo, tikhilka qaalmooda

Iyo Toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
Iyo taan eryoon jirey kolkay, toban tahaan joogto
Tookh laguma faaniyo afaan, taabbud noqonayne
Intaa Xarunta soo tubay, xaqaa lagu tanaadaaye
Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimeeye
Waa Xamar tarraaroo haddana, taab ku sii daraye
Taltallaabsigiisiyo kadlaha, tabo kalaw dheere
Lasoco……
WQ/Abdijibaar Aadan Gaas

Advertisements