Gababyga: Cara’e yaa
Sheega?
Goorta:05/015
Curiye: Abdijibaar
Aadan Gaas
Dhawr hal oo cayaayiroo cusboon curufka Soomaali
Haddaad Caynka Maansada taqaan Cara,e yaa sheega?
Nin wayn oo Caloollaan anigu la cajaboodaaye
Cadka Dumarku Niman kuu kabaxay Cawro wow halise
Waxa soo Cidhiidhiyay war hooy
Cara,e yaa sheega’ ? Lii
Mid kaloo Calaamaan arkiyo caynad gooniyahe
Curad Dabadu ay Qaawantahay Waa cajab Aduune
Miyirkuna u Caadi u yohoo Aan Caqliga waayin
Oon Caydh Mucsura Lagu ogayn cuudna laba siiyay
Waxa caynaddaa ku Ajburaan lacajaboodaaye
Hadaad Dhaqanka Caarifi kutahay Cara,e yaa sheega?
Gabdhihii Cunaabiga Xidhnaa Caarrihiyo Shaalka
Dhacle Caynka uu yahay kuwii lagu casuumeeyay
Midabkana Casaankiyo Ahaa calan dhalaalaaya
Maarriin Casaan iyo Dhalaal Cayn walbaad helaysay
Maxaa Caano Boodhaha kadhigay waa cajab adduune
Danbas Caynaddii waxa kadhigay cara,e yaasheega ? Liiiii
Muqnigii Cusboonaa markale Waa cajab Aduune
Wax Layidhi caruuraa fatwada caaddi ugu Deeqa
Wax Layidhi Culuum maanay baran Cudud Faqiiheedba
Misna way carbiyayaan warkoo Caammadaa maqasha
Bal Calaamaddaa Noo gartoo cara,e yaa sheega?
Wax kastoo Xaqiiq u calmanaa waa cillaal maqane
Runtii baa iyana caariddoo laga cabsoodaaye
Caammada Ninkii Khaafa iyo Kii Caqliga waaya
Ee Camal Mariil Soo Noqdee Waasha Cadho awged
Ayuunbaa Caddeeyee Iyana Cara,e yaa sheega?
Wax Caddaaladdii lagu ismaa waa Cadkaan rabo,e
Haddaan Aniga Lay Caano shubin Waan Cabbudhiyaaye
Waxa Caynaddeer Aan u Nahay Cara,e yaa sheega?
WT/Abdijibaar Aadan Gaas