Monthly Archives: July 2015

Dheehad Qaybta1:Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

              

image

WT:Ismaaciil Cali Xaaji Jaamac
        (Dheehad)
Dha.da maanso Ina caloow beryahan dhiiro ma lahayne
Anigoo iskaba dhaafay bay wax I dhaqaajaane
Iga hoo dhambaalada waxbaa dhibaya ruuxdiiye
Dhaqashiyo hadaad xoolo tacab dhoobta ula boodo
Dhogoryare hadaad saanyatiyo goodir dhego fiiqan
Dhulka meeshi wacan waxaad dhaaxba kula foofto
Dhoodi iyo kaymo xidhan waxaad gelinba meel dheesho
Dhasaynada adoo midkii dhalayey dhawraaya
Debi iyo aday kuu curteen dheeman iyo laanba
Dhaydiyo karuurkiyo adoo dhocorta fuudaaya
Hadii ay dhabqalalowdo xaajo oo dhabaqdo oo xiinto
Col la dhuray haduu kaa dhex helo dhacana geelaaga
Dhalashiyo ninkaad ehel tiin baad dhaaxba mudataaye
Dhoobigii shisheeyuhu ma galo dhinac istaagaye
Inaguna dhigaasaan ahayn dhudaha soomaale

Maantiyo dhalaanimo kolkaan yare dhaqaaqaayey
Inaan dhaadanaadiyo waxaa dhumucda ii diiday
Sidii awr dhukaan qaba waxa dhiifta igu raajey
Dhafooradu waxay ila goteen aman la dhuubnaaday
Dhuyaalkiyo waxaa iigu wacan dheelalow socodka
Dhaygagiyo waxaa iigu wacan keli inaan dhooho
Dhiilo wade sidaan ahay waxa iga dhawaaqsiiyey
Waa dhibaha soomaalidiyo dhiigbax iyo hooge
Hadba waxaan la dheelimanaya saad u dhimateene

Murti dhaadhigii hore wax uunbadka dhaxashaaye
Maaweel tixuu dhigay hadaan ?dhuuxa Ka abaaro
Dhadhaabaan intaa riixayaa dhaabanoo adage
Awr dhinac wax laga saaray baan dheeli tirayaaye
Dhalanteed hortaydaasa baan dhaaf is leeyahaye
Dad dhasiiga loo tababaray oo dhoohan bay helaye
Dhaayaha fiyow waanadaa lagu dhegaystaaye
Waa duul dhukan oo hadalku waa dhinac maraayaaye
Dhego uma daloolaane waa iskaga dhuraayaaye?

Aniguna dhigiisaan ahoo waa iskaga dhex daadshaaye
Mana dhiidhiyeysaan dadyohow waad is dhigateene
Warbal dheehda gurigeena dhinac dhamacda qiiqaysa
Warbal dheehda geeleena dhacan dhidarka maalaaya
Warbal dheeha geesiga dhidbane dhuuxyo lagu taagey
Warbal dheehda dhooshii haween dhaawacyada gaadhey
Warbal dheehda dhuuryada kufsiga ula dhaqaaaqaysa
Warbal dheehda dhiigya cabka iyo tuuga aan cidiba dhaadaynin
Warbal dheehda dhuugiyo ganaha Ina dhag siinaaya
Warbal dheehda dhooraha kufriga inagu dhaanteeyey

Dhulka xaradhyey ruuxii dhibani dhawr intuu qadaye
Faalada ku dheeraa sidii dhiig usoo galaye
Aniguna dhigaasaan ahaye maba ad dhaadaane
Warbal dheehda dhaqaalahaan lahayn laysu kala dhiibye
Warbal dheehda dhulka iyo badii saamiyaa dhigane
Warbal dheehda dheemantiyo rubiga  layska dhuranaayo
Warbal dheehda dhedigeena xoolaha dhoofka lagu qaato
Warbal dheehda shisheeyaha dhergee inaku dheelaaya
Warbal dheehda dhankii aad daydoba sidu u dhoobaystay
Warbal dheehda dhooraha kufriga inagu dhaanteeyey?

Umadii wax dhugataa marbay dhiirataa socode
Dhab marbay u eegaan dantood kuna dhaqaaqaane
Warbal dheehda xafiisyada la dhigay dhoosarkiyo tuuga
Warbal dheehda dhoongaha sharciga dharaq ku doonaaya
Warbal dheehda dhashiikaha shacbiga dhawda laga saaray
Warbal dheehda maatadan wax dhimin ee xabsiga dhooban

Advertisements

Maansada Micnodaran; Abdisalaan Maxamuud Xuseen

WT/ Abdisalaan Maxamud
Xuseen Olol Macalin

image

( micno daran aduunyo)
WT: Abdisalaan Maxamuud
Xuseen Olol Macalin

Micno daran aduunyooy
Maalmahaysbadalayee
Midba nooc ahaataay
murugiyo dhib socotiyo
farxad lala masuugoo
meel qudha kuyaalaay
Mayd iil lageeyiyo
mid makaanka hooyadii
madaxii kakeenoo
minid wada dhacaayaay
Muusanow barooriyo
aroos lagamashxaradoo
muska reerka yaalaay
Miskiin maalin qado hela
maalin kalena waayiyo
taajir meelkasba dhigay
mida ay kukulantaay
Muslinkii wanaagsani
miduu sahay kaqaatee
maalintaa qiyaamaha
mowle ugu gargaaraay
Maangaabka oo dhami
mugdi uu runmoodoo
maalmo gaaban xidhantaay
Masalooyinka badan
maskaxdii shaqaysee
miyirkeedu taamyahay
Miduunbay dareemiye
Maankii daboolani
marimayso waanee
mar horaan kudaaloo
murti badan kumiisoo
midan maanta aan dhoho
intaan mowdku ii iman
Macnahayga hadalkiyo
mucda hoose aan tago
Mudo dheer hadaad beer
markastaba falaysoo
midhihii kuridatoo
umiisaanto biyohoo
Maalintay bislatee
manfaceedu soogo’ay
mamutaysan lagu yidhi
maanka miyey galaysa?
mamidaad aqbalaysoo!
maskaxdaadu qaadaa?
Midkaloo lamidataa
waatan ani imudatee
madluunkeeda aan ahay
Marhadii midaan rabay
een lahaa mar uun hano
madaxeeda laguxidhay
maal aduun ma’aadlihid
iyaduna ay maya odhan
marxabiyo gudoon tidhi
Mamidaan mutaystoo!
maanta aansugaayaa?
mamid ruux mudnaan wada
maanta lagu yidhahda?
Mida aan lamurugoon
aan mareynin mankana
markastaba iswadin!
Meeshu marey jacaylkaan
mudo soodhisayniyo
muxubadii dhabta ahayd
Maalin miyey ku eekayd
mise anaa maraanee!
markihoraba beenbaad
macaan iigadhigaysoo
runba meesha may ool?
anaa mooday mooye
maalin caashaq kuma helin!!!
Masaalkuna wuxuuyahay
maad dhahdeen macaaney
meesha laygu taliyaan
marayaa walaloow
hadii uu mid dhabi jiro
marna maadan yeesheen
moowd baad kaxilahayd!!
Marse haday sidaa tahay
marna anoon ilaawayn
muxubada aan kuuqabo
Misna aan kuwaayoo
madaxaagu maalyahay
samirbaan miciinsane
moowle faraj ha iifuro (amiin)
adigana macaneey
maal aduun mid haystoo
dahab madax kuusudha
meelaha dalxiiskana
markab aad uraacdaan
mowlahay kusiiyoo
farxad iigu maashood!!

WT/ Abdisalaan Maxamud
Xuseen Olol Macalin

Qummaati:Gabay:Abdijibaar Aaden Gaas

28/06/015    Qummaati
WT:Abdijibaar Aaden Gaas
Qalqallooc Murtidu kuma wacniyo Qoomamiyo Ciile
Maad Sida Qaryaan Faataxaa Dhabu Qorshaysaanba
Qalad maad ka dhawrtaan Sidaa Qawlka ina Boobe
Maad Xarafka Qeexdaan Sidaa Qaali Cumar Jaamac
Maad Qiiro Galisaan Sidaa Qalaska Bootaana
Qaxar Maad Kadhawrtaan Sidii Qalinlle Noo sheegay
Waddaniga Qareenkaa Dalkiyo Qaran ku Raadjooga
Maad Sidaa Qaryaan Ina Buryara  Qaab u Hadashaanbaa
Baadideena Maad Ugu Qumtaan Qaranki Aafoobey
Qurux bay Murtidu Leedohoo Lagu Qushuucaaye
Qamar Dumara Qaalida Haween Qalanjo Aad Doonto
Hablahaa Qurayshtaa Amaan Maad U Qarisaan
Qunyar Maad Ku Xodataan Afkaa Qaaliyoo Jara,e
Qasnadaha Kuwaa jiidayee Doollarka u Qubaya
idinkaa Ka Qaadiba Lahaa Kaaha iyo Qaali
Maad Maalku Qaybuhuu u Baxo Gabay ku Qiimaysid
Sawir Qaade Maad Noqotid iyo Quruxda Faalleeye
Sheekooyin Qaaliya ayaan kuu Qaddimayaaye
Qaalmaha Abeerkaa Haddaad Qun uga Maadayso
Qawad Malaha Sheegmadu kunjeer Mana Qaraar goysid
iyagoo Qanaaninahayoo Dhibicdu ay Qaysay
Oo Awrku Daba Qudhinayoo Yara Qablaynaayo
Dhaqankeenan Qaadhaye tagaye Ciiddu Qarinayso
Maad Dunida Qayb uga Furtaan Qarisi waa Ceebe