Dheehad Qaybta1:Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

              

image

WT:Ismaaciil Cali Xaaji Jaamac
        (Dheehad)
Dha.da maanso Ina caloow beryahan dhiiro ma lahayne
Anigoo iskaba dhaafay bay wax I dhaqaajaane
Iga hoo dhambaalada waxbaa dhibaya ruuxdiiye
Dhaqashiyo hadaad xoolo tacab dhoobta ula boodo
Dhogoryare hadaad saanyatiyo goodir dhego fiiqan
Dhulka meeshi wacan waxaad dhaaxba kula foofto
Dhoodi iyo kaymo xidhan waxaad gelinba meel dheesho
Dhasaynada adoo midkii dhalayey dhawraaya
Debi iyo aday kuu curteen dheeman iyo laanba
Dhaydiyo karuurkiyo adoo dhocorta fuudaaya
Hadii ay dhabqalalowdo xaajo oo dhabaqdo oo xiinto
Col la dhuray haduu kaa dhex helo dhacana geelaaga
Dhalashiyo ninkaad ehel tiin baad dhaaxba mudataaye
Dhoobigii shisheeyuhu ma galo dhinac istaagaye
Inaguna dhigaasaan ahayn dhudaha soomaale

Maantiyo dhalaanimo kolkaan yare dhaqaaqaayey
Inaan dhaadanaadiyo waxaa dhumucda ii diiday
Sidii awr dhukaan qaba waxa dhiifta igu raajey
Dhafooradu waxay ila goteen aman la dhuubnaaday
Dhuyaalkiyo waxaa iigu wacan dheelalow socodka
Dhaygagiyo waxaa iigu wacan keli inaan dhooho
Dhiilo wade sidaan ahay waxa iga dhawaaqsiiyey
Waa dhibaha soomaalidiyo dhiigbax iyo hooge
Hadba waxaan la dheelimanaya saad u dhimateene

Murti dhaadhigii hore wax uunbadka dhaxashaaye
Maaweel tixuu dhigay hadaan ?dhuuxa Ka abaaro
Dhadhaabaan intaa riixayaa dhaabanoo adage
Awr dhinac wax laga saaray baan dheeli tirayaaye
Dhalanteed hortaydaasa baan dhaaf is leeyahaye
Dad dhasiiga loo tababaray oo dhoohan bay helaye
Dhaayaha fiyow waanadaa lagu dhegaystaaye
Waa duul dhukan oo hadalku waa dhinac maraayaaye
Dhego uma daloolaane waa iskaga dhuraayaaye?

Aniguna dhigiisaan ahoo waa iskaga dhex daadshaaye
Mana dhiidhiyeysaan dadyohow waad is dhigateene
Warbal dheehda gurigeena dhinac dhamacda qiiqaysa
Warbal dheehda geeleena dhacan dhidarka maalaaya
Warbal dheeha geesiga dhidbane dhuuxyo lagu taagey
Warbal dheehda dhooshii haween dhaawacyada gaadhey
Warbal dheehda dhuuryada kufsiga ula dhaqaaaqaysa
Warbal dheehda dhiigya cabka iyo tuuga aan cidiba dhaadaynin
Warbal dheehda dhuugiyo ganaha Ina dhag siinaaya
Warbal dheehda dhooraha kufriga inagu dhaanteeyey

Dhulka xaradhyey ruuxii dhibani dhawr intuu qadaye
Faalada ku dheeraa sidii dhiig usoo galaye
Aniguna dhigaasaan ahaye maba ad dhaadaane
Warbal dheehda dhaqaalahaan lahayn laysu kala dhiibye
Warbal dheehda dhulka iyo badii saamiyaa dhigane
Warbal dheehda dheemantiyo rubiga  layska dhuranaayo
Warbal dheehda dhedigeena xoolaha dhoofka lagu qaato
Warbal dheehda shisheeyaha dhergee inaku dheelaaya
Warbal dheehda dhankii aad daydoba sidu u dhoobaystay
Warbal dheehda dhooraha kufriga inagu dhaanteeyey?

Umadii wax dhugataa marbay dhiirataa socode
Dhab marbay u eegaan dantood kuna dhaqaaqaane
Warbal dheehda xafiisyada la dhigay dhoosarkiyo tuuga
Warbal dheehda dhoongaha sharciga dharaq ku doonaaya
Warbal dheehda dhashiikaha shacbiga dhawda laga saaray
Warbal dheehda maatadan wax dhimin ee xabsiga dhooban

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s