Tixihii Culus

image

Tixihii Culus Gabayo Gole ka Fuul
Tixahan waxaa Layidhaahdaa (Culus)
Culus Waa Hal Magaceed
Sida Idiin Muuqata Hashan Lays waydiinayo Dhul Fog ayaa Loo Xergeeyay
Tixahani Siday u Badan yihiin Markan way Soodhawaatay
Oo Deegaannadeedii Aad Uga Ma foga Balse Tixda u Horaysa
Ee Abdijibaar Aadan Gaas Markaa Waxaa ka Muuqata inay Fogaatay
Markan Dabena U Fikirkiisu Is Baddelay Mar Haddii Hashii Lagu sheegay Dhulka Mudug iyo Galgaduud sida tixaha Danbe Kamuuqata
Tixda hore iyo kuwa Danbe Waxaa u Dhexeeayay Muddo 4 bilood ah
Tixduna ay Dib u Furantay
Daalacasho Wacan
Waa idinka iyo
Tixihii Culus oo Rag Dhawr ahi ka Qayb Galeen Afareydan Gabayada Lays Waydaarsaday

Abdijibaar Aadan Gaas.   16/04/015
Tixda (1)
Cadduur iyo jidbaalaan lahaa Culus hakuu daaqdo
Cagaciid ha haysaan lahaa culus xagaagiiye
Jidhaamaha Carbadhis baan lahaa Culus kusii foofi
Curcurrada Guddoonlaawe iyo Aaga cadaybuur ah
Ulasamaha caankaan lahaa caadi haw mirato
Carrisyada Dureemahaye iyo ceerrigaa kalaxa
Banka caydhka ceerriga masliyo aaga cagalaaye
Casihii fargaadliyo kubiyo ceerrigaa gubadle
Casar mayrac meeshaan lahaa waatan caga Diidey
Waatan Eerigoo caweys siimartaye Mudug u sii ciirtay
Ee Ceelka Gaalkacyo iyo Jawhar Cidhif dhaaftay
Kolley Caday ma waydeen Higliyo Calaf Dameeraade
Col miyaa lategay ina Caloow waa Cajab Adduune

Ismaaciil Cali X Jaamac
Tixda (2)
Ceelbuur hashaa lagu arkee kor u caraabaysa
cagiday Ka fooftiyo guryihii caano laga waayey
Ee caruurtii baahi iyo gaajo la cawaysay
Cadaw qaadyayeey Maxaa galabta cayntaarshey
Carshintiyo maxaa kaga dikaday cidhifyaday joogtay
Ciid guduud Maxaa kaga lumoo caymasho u diiday

Faysal Goohe
Tixda (3)
carshintii jaleeliyo buq dheer cidhifyadaa soolka
cuunkii gariiriyo ilaa canani hoosteeda
ceerigay lahayd iyo nugaal caday ka daaqdaaba
ceel buur adayaa iyo dhul kale caasha galisaaba
cisho aan fogayn bay Hubaal soo cawanasaaye
ciida iyo halkay joogtay bay soo cag dhigaysaaye
ceelalyada waxaa looga shubi ceelashii beriye
ciyaalkiyo ciroolaba marbay caanaheed dhamiye
col ma qaadin ina calaw hashee ciidanbaa wadaye
halkaasaa cagaar yeelatiyo curasho roobaade
cosobkiyo kolkay doog cuntay soo gadaal celine
adiguna caloolyawga daa cadho lataahaaga
oo caynaano eebaa hayee samirka caadayso.

Abdijibaar Aaden Gaas
Tixda (4)
Haddii ay Cadaadiyo Fadhido Ceelka Guriceel ah
Calcalyay Kadhacaysaa Dhulkuna Waw Carfoonyahay
Hadday Cayntu Bahal yeelatiyo Ciidan Didinaaya
Dhurwaagii Hadduu Ciyayo oo Maalintii Cunayo
Casarkii Hadduu Soobaxoo Cadhadhaqdii yeedho
Asaanay Ciidan Xoogliyo lahayn Curaddo Soo hooya
Waa Inay Cammuuddaa Guduud Culus U Dooshaa
Caga Ciid haddii laga Didshiyo Ceerrigii Daranta
Ceelkii Wiyeerkiyo Hadday Cadaygi sii dhaaftay
Hadday Dhagax Cillaal Fuushay iyo Doollo iyo Ciidba
Haddii uu ragaad Caabbiyaa Culus kusii Dhaabmay
Oo ay Cammud Uga baxadaa waa Cawo ilaah

Ismaaciil Cali X Jaamac
Tixda (5)
Cudurdaarka gaasoow waxaad igu camaynayso
Calooshaadu waxay doonaysaan caadi u arkaaye
Cidi jiidka waxa kuugu wacan caadba qarin waaye
Caydiguna ma yeeleen weedhahaad celisay jaallow e
Ciidan bayba weydiyo warkani caatay kaa noqoye
Cafaariigsi badan iyo barbaar caana baa jira e
Calwisaha ragii ula baxaa ceelashii tubane
Cadweyne iyo huftiro bay dhab u cadceed shaane
Kaalmahay cadaan ugu dhigaan cadaygi buuraaye
Caga ciid jidbaaliyo caduur cimidhba weeyaane
Carunbaaaba tiirsamay dhulkii ciidsanka ahaaye
Caana teesha Maxaa meelo kale caawin uku dhoofshey
Cagaaga iyo buuraha Maxaa saaray calankeeda

Ahmed Haibe
Tixda (6)
Ismaaciil caloow waan cajebey curisyadaadiye
.Ceelbuur hashaa lagu arkee koru caraabaysa
Carisyada cagaar kale hashaa soo cagdhigi waydey
Camal xumo daraadeed hashaa bari ku ceeryoontay.
Cosobkiyo hashaas aan cunayn caaradiyo laanta
.Cal calyada hashaas aan cabayn cadayga hoos jiifta
.Ee calowga laga caagey iyo caraqda fuudaysa.
Cidladiyo waraabaha hashaa soo cid geliwaydey
.Ee aan cidood laga karayn cadowgan meeraaya
.aan caano caydigu ka helin weli cadaan kooda.
Calaf maleh casuusleey ninkii cuudka dhigayoowe.
Mar hadayan cayniyo tegayn cidhifka buuhoodle.
Cur curaha nugaaleed hadii lagula caalwaayey.
Ka ceshadey calooshaan ka jaray inan ciseeyaa

Abdijibaar Aadan Gaas
Tixda (7)
Maalintay Casuuriyo Fadhiday Ciidda Badheheeda
Cadaybuur markay Dhacaysay eey Cayn u Jalaqlaysay
Markay Ciid ka Dalandooshay ee Cadawgu Gaadaayay
Maad Curaddadaa keentid iyo Ciidankaa Tubanba?

Iyadoo Markaa Ciiraysoo Cagaha Jiidaysa
Iyadoo markaa Carisay oo Calan wallaynaysa
Oo ay Candhada Keentay Iyo Dhaysta Caanaha leh
Ooy Culusna Heetinayso waa Camalka Geeloodhan
Maad Curaddadaa keentid iyo Ciidankaa tuban

Markii ay Cagaar beenle iyo Ciidda Miranaysay
Curcurradatan Qararrood markay Calanwallaynaysay
Garanuugle Waagay Cagtiyo Galisay Caasheeda
Sowtii Cid Wooh sootiraah Wayday Caliyoow

Nugaal baaba Laga Caydhiyoo Saanta Loo Culaye
Daasadaa Candhada Lagala Galay Caana waayuhuye
Cuur Maxaysatuunbaa heliyo Ciiseyaal Darane
Haddii Aan Callaha Daajiyiyo Ceelashii mudug
Haddii Aan Carrada Siiyo iyo Milix Carbeedkiiba
Ama Aan Cagaag u Xerriyoo Ceelal Kale Geeyay
Ama Aan Carrada teedi jaray inan Kusoo Caynsho
Way Xeelad Caadiya Mar Uun waa usoo Culi
Balse Ciidda Ay Joogto iyo Caynti Laga keenay
Waa Ceelka Ceelkiisi iyo Cido kasii fiican

Ismaaciil Cali
Tixda (8)
Codka maxamed hayboow tixdaad curisayee sheegtay
Ka ceshaday calooshiyo qalbiga caynka kula gaadhey
Aniguna ma caaradin runtii caaqil baad tahaye
Cudurkaa ku dhacay baan lahaa caalku waa bixiye
Ibeheeda caanaha kuyaal ee candhada buuxa
Ciroolaha gaboobiyo maalinbaan lahaa caydigaa dhamiye
Alaylehee codkaagani ideeq caadilbaa jira e
Cafinmaayo gaasoow warkaad celisay jaallow e
Maalintay casuuriyo fadhiday ciida badhaheeda
Caday buur markay wabax ahayd curad rakaadaayo
Cayn iyo markay hawdka sare caga dablaynaysey
Curcurada nugaaleed markay calan walayneysey
Cidi uma ay diidine markay carunka daaqaysey
Cawa laylka guuraha hadii oodu celin weyday
Cagaag iyo dhul buurole markay cugatayoo doontay
Candhadeed la gooyey haday ceesha garan weyday
Caaneheeda dhawr tada ninkii laga caqiibeeyey
Inay cuunka aadiyo Haduu cadaw la doonaayo
Waa camalka aadmiga waxaad ii carbinaysaaye
Waa ceelka ceelkiisa kale koonfur cidhifkeeda
Hadii ay cadaaladi jiraan cudur Ka hoosaynin
Cadaawaha galbeed maxaa kadhigay coonka xeradeeda
Cidaa kala gobaysnaa hadaad caynku marinayso
Fin caloosha jira baan arkoo caabuq habayaaye
Malaha ciriqa reernimaa ku galay waan cajaba yaa e
Misee cabasho hoosaa jirtiyo ciniqyo kuu gaara

Garaad Dhuux
Tixda (9)
ragii caanka ku ahaa fardaha caynabkiyo boodka
ceshiimada ragii aan aqoon ama caroow tiinka
casar liiqa meeshii cad ceed ugu madoobaato
ragii culus xaryaha uga dhex dhigay cuunka badhihiisa
ee cadawgu uga maagay oo caynsan baajira
culusna calanku wasaran yahay camalkii waagiiye
cabsina ugama qabo ceelal yiyo camal guhaadeed

Abdijibaar Aadan Gaas
Tixda (10)
Codku murug Ismaaciil Caloow Waa Cajab aduune
Murtiduna Cillaal yeelatiyo Cidhifyo Hayl haylan
Anigana hadday ii cugtami Waan carbiyayaaye

Xikmad Caana baa tidhi mar hore Caynkan oo kale e
Maroodigu markii uu Cartamo Ciidda kicinaayo
Takartii kan kale Caydhisuu Cadho ka Qaadaayee
Haddii ay Cillado ay jiraan Carunno Hooseeya
Ceelka May Istaagteen Halkay Calan wallaynaysay
Ceelalyada Ma Aaddeen Anoo Caynabka U Fuulay
Cidi May Tiraahdeen Durboo Ceelki Gelinsoora

Caloolaha Wixii jira Rabbaa Caalimoo Garane
Su’aalahan Jawaab iiga Celi Gabaygu Cayntaaryee

Culus Way Widhiidhoo ragbaa Calal ujiidaaya
Codkay Gii tidhaahdaan Maqlaa Cadhada Awgeede
Catiraha ragbaa Geed u Sudha Maalintay Cariso
Ceelkay Istaagtaba ragbay Cidhif ka eegtaaye
Ma inay Cidhiidhiga jabtaad u Ciddi jiidaysay?
Kuddaafadaha Ceelkii Miyaad Culus la Doonaysay
Dillaaliin Cadhaysani Halkay Cimidh ahayd Maandhe!!!
Maxaad ugu Cabbayn Waa Hal Aan Curado Dhaafshaayee?

Garoowe oo Banaan Cawlanaad Culus La Doontaaye
Kurtimoo Dhammaan Cawdhay baad Culus la Doontaaye
Ciiddii Buskoo Dhacaysa baad Culus La Doontaaye
Ma Cadaawe Hoosaa jiriyo Cadho Aan ii muuqan?
Maanigaan Xog Culus Haynin iyo Culus Dareenkeeda?
Mise Cadan ayaa Laga Shirrabay Heesti Caan Noqotay?
Ma Dirkeedibaan kuu Caddayn Caawin iyo Soohan?
Hadda Coobba Waynoow Ratigi Caanabaa Dhalay!!!
Miyir baa Ku Curatoo Da’adii Waa ka Caan baxay!!!
Doobtiisa waxa Laga Cabsaday Caalamkoo idil!!

Ismaaciil Cali
Cudurbaa ku dhacay maansadii caynleyda ahayde
Aniguna ka caagani meelahaad cugatay jaalloowe
Cidkaloo Ka looshaba jidkaa caasba waan xidhaye

Xasan Abubakar
Coldhobtii ninkii cunay jidkii lagucaraabaayay
cartan,uduga gacantiisa key caa,illadi sheegtay
,Hadal celinti waakii kuyiri yaakucunay heedhe
caawana sidookale kadhigan caabi hadalkiisu
,Cadhooleey hashiibaa layiri geela weycuniye cabbaadkana madeysoo koleey wey,cargaagtamiye
caku caabuqaa hoosjiriyo ciirsi li’idiisa

Dhamaad Tixihii Culus
1:Abdijibaar Aadan Gaas (4 )Tixood
2:Ismaaciil Cali Boobe.      (4)Tixood
3:Faysal Goohe.                  (1)Tix
4:Maxamed Axmed Dhuux(1)Tix
5:Axmed Haybe.                  (1)Tix
6:Xasan Abubakar.              (1) Tix

http://www.dhaxalreeb.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s