Monthly Archives: November 2017

Gabay yawle

Caynaanshe Habar Yoonistuu ciili jirey waaye
Cidna kuma xukumo Reer- Ammaan cidhifki Tuuyoode
Kulay Cali Siciid tahay ma jiro nimay cadaabane
Cabdallaha yaryari haatan waa cagacageeyaaye
Carrabaliyo loo diid Ugaadh inay cadaadshaane
Oo Arabba Ceegbuu ku diley curaddo reer Nuure
Muusa Cabdallaa caado tegay cidhifkii Laandheer.e
Oon cidina soo waabinayan Cayn hadduu galo.e
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey

Shirshooroo camiran Khaalidbaa Cayn ku gowracaye
Oo caaradhuub iyo la dhacay cadaw rasaaseede
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Ceelkii awaareed ogayd ciidagale daay.e
Cuud looma soo horo intay arab colloobeen.e
Cududna looma waayine naftay kala cabsoodeen.e
Cuwaafluhuna waa caaradaa curubta Guuleede
Camaskuna catooshi iyo gool kuma callaalaane
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Cimraan kama hakado Nuux hadday cod isla dhaafaane
Ma canaanto reer Daahirkii camalka waallaaye
Caynaba wadaantaanay horin waa la celiyaaye
Ciisiyo Xagaabaa la baxay Caaqil goonniyahe
Hadday waayo caabudi jireen haatan caasiye’e
Cuquunkii Ilaahay ka saar caadilka ahaaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunayda maxaa calan is wadaartey ??

Berberana cayar kama tumaan reer Wacays Caliy.e
Waa Deerayahan kaa camiray ceerigii guban.e
Baabuuradaa cuuc le bay cudud is mooden. e,
Bal cibaradaa daya nabsiga looma caal helo e
Cakuyeey adduunayd maxaa calan is waydaartey ??

Axmed Faaraxii caan ahaa cuurka reer maxamed
Cabdillahiyoow waxa beddelay ciir ku naaxyadae
Marba dunida reerbaa camira caydh ahaan jiraye
Cokadaha raggii dhaansan jirey ceegan gurigiiye
Cascaskii riyaha waxa beddelay caano geel dhalaye
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo’e
Cakuyeey adduunyada maxaa calan is waydaartey ??

Ilma Aadan Cali kama cabbaan ceelki Qararroode
Colow iyo Kaliilbaa ku furay gobabki cawlaaye
Isagana cidbaa loo diroo Carabna soo guurye
Cabdina wuxu lahaa waa Mataan caaqil loo qodaye
malahay cayimadday wadeen ma calfan doonaane
Bal cawaaqibkaa daya nabsiga looma caal helo
Cakuyeey adduunayda maxaa calan is waydaartey ??

Gob la ceejey iyo inan gumeed calan-wilaynaaya
Gor-gor cagaha laaladiyooy xuunsho celinayso
Carrigay ka wada taagan tahay caawa saan ahaye
Curshi male hadday Aadan Fiqi nagu cayaarane !!.

Maxamed Aadn Caws (Yawle ) AHN.

Advertisements