Category Archives: facebook

Afarrey iyo Gole ka fuul kii ugu Dheeraa

Affarrey iyo gole ka fuul Kii ugu Dheeraa qaybtii (1)

Abdijibaar Aadan Gaas
October 29 at 7:57am ·
Murti Gole Ka Baan keeda iyo Gabayga Jiibtiisa
Geeraarka Subiciisa iyo Guulo Lagu Faansho
Gammaan Lagu Ammaaniyo Fardaha Gees U Xaradhkooda
Gaagaalayaashaan U Nacay Hadal La Gawdhgawdhay
Tanaan Dagay¤¤¤¤

XasanDaaci Abiib Faarax
Gabannada Caruurta ah Murtida Garan ba Maayaane
Gugoodaan Fogaanine Cabdoow Garasho Waa Muushe
Intay Gaadhayaan Aan Sugnee Gabayga Haw Diidin.
Kanaan Dagey !!

Abdijibaar Aadan Gaas
Iyagoon Guyaal Badan Lasugin Gagina Loosaarin
Oo Gaasabixin Bay Rabaan Inay Ku Goohaane
Awrkuba Markuu Guuxayee Geela Lagu Daayo
Waa Inuu Guyaal Soo Cartamo Geedo badan Jiidho
Aniguna Geddaasaan Rabaa Waanay Garanayne
Tanaaaan Dagy

Samawade Siciid Awcali
Garaad curiya sugan milgole gab ayo maamusle
Waa garasho eebuhu baxshoo cid u gudbooneyne
Idinka ku gaamurey Murtida gole Ka fuulkede
Xasan Iyo cabdaw toosiyo garasho deeqsiya

Kanaan dagay

XasanDaaci Abiib Faarax

Alleylehe Gaddaasay Rabaan, Garasha Dheeroowe
Waxay Goobayaan Gaabsi Iyo , Guudka-sare-Xaadis
Balse Ruuxa Goohaaya ee , Maanso Garanaynin
Haddii Aan Gacmaha Qabanna Oo , Gaarna Ula Shawrno
Oo Aan Kitaab Gabay La Dhaho, Galino Laabtiisa
Talow Gacalku Wow Baahanyee, Barasho May Gaadhi ?!
Kanaan Dagey,

Abdijibaar Aadan Gaas
Giddigeedba Suugaantu Waa Guuyoiyo Maale
Garanwaana Baranmaayo Oo Waa Ka Garanuuge
Cashar Laysu Geeyana Kawayn Barasho Geesteeda
Xigmad Weeye Guulluhu Baxshoo Laabta Galiyaaye
Budhku Garasho Maahiyo Khasbiyo Gole Kamaag Uun
Tanaan Dagay

Cadceed Cadeysey
Murti Guusha, Gabay Miida Iyo Garasho Meelaysan

Sarbeeb Gaanan Suugaan Gigtiran Gododna Loo Saantay

Inaan Gaafka Kala Toosayaa waa Ged La Hubaa

“” Tanaan Degey “” 3 iyo Irmaan

Abdijibaar Aadan Gaas
Gaabsiga Murtida lagumagayo waana shay gobaha
Sidii Rarayga geel lagu Daraye Roorsi Garab Booday
Bankaqooq Geddiisii miyaa Guudka Laga fuuli
Tanaan Dagaye maka guratay

XasanDaaci Abiib Faarax
Sxbkay #Cadceed

Ayadoo Golaa Loo Dhan Yahay, Guurti Talinayso
Geedkiyo Shaxdana #Aadan_Gaas, Gole-ka-Fuulaayo
Anaa Goba , Anaa Geesiyiyo, Guulo Kuba Tookha
Godkaas Hadal Ma Joogee Abtoow, Yarehe Gaagaabso !

Abwaan Abdijibaar Aadan Gaas

Gabyaa Sare Inaa Tahay Anaa, Gooyay Waa’ Hore’e
Isagoon Gadhkaagiyo Caddaan, Timaha Guudkaagu
Oo Aan Gugaaguna Fogaan, Gadaha Aad Joogto
Misna Gool Inaad Dhalin Wallee, Waa Hubaal Go’ane
Af Gobaadsi Maahee Midhkaas, Gobo’di Weeyaan Dhe .

Gees Kale Haddaan Eega Oo , Yarehe Gool-baadho
Murti Geedka Loo Waabo Oo, Gaaxda Lagu Maalo
Oo Tix-maal Gaboobiyo Nin Daran, Kala Gorfaynaayo
Waa Soojireen Gaamuroon, Cidi Giriifeyne
Balse Maanta Gaankaa Kiciyo, Gaban-magaaloodku
Garan Maayo Suugaantan Iyo , Gaasa-bixinteede
Miyaan Qalinku Waa Guul-wadee, Dunidu Guubaabin ?!
Xigmad Lama Garoocdee Miyaan, Laguba Gaadheen ba ?!

Kanaan Dagey . FOORAD dhe ! loolz

Shuriye Aw Jama Shuriye
Gooshaarka Maansada Murtida Kala Gorfaynteeda
Guuluhu Ninkii Aanu Barin Goolka Dhalin waayey
Gaagixis Nin ay Ugu Baxdoo Godol ka maalaynin
Ayuun baa Gujeeyey Ka waa Gaawe Buuxsamaye
Gar Alle Dilaal baa u baxay Gudhiyay Suugaanti
Tanaan Degey

Cabdimalik Xareed Mrf
goofaadhigii bay nirguhu maraqa gooyaane
ama ay gujeeyaan horaad maraq ku gaydhnaaye
afgaroocna meel gaaban buu gabay la aadaaye
.tanaan degay

Abwan Zerar Yusuf Zeeraar
Gaban waliba gortuu dhashaa loo gu tiriyaaye
garab qabasho iyo koolin paa lagu gardaadshaaye
guulguulka adinkaa wade gapayga aashaada
keeraaan dagay

Daadax Halyay Carafad
geedkeenan caankeen murtida laguba gaadhaynin
abwanadu garwaaxeen hadhkee loo gogladay maanso
iyo golahan loo wada dhanayahay gabiga soomaali
gadh cadaa haldooriyo intaa gaban.ku meegaarsan
markay gabay bilaabaan runtii way gilgilayaane
god abees dhex yuururo intaad gacan ulaa laadin
miyaynan gudboonayn inaad geesyar uga baydho

Tanaan dagay

Advertisements

Gobanimo maxay tahay???

20/1/2015. Gobannimo??????
Ascwrwb
Marka hore salaan guud
Shacbigiyo Garsooraha
Markalena Golahadhaqan
Gaar ahaan Abwaannada
Markalena Su,aal Gara
Maalintaan Gurguurtaye
Garaadkaygi uu koray
Iyo Gugakan maanta ah
Jawaabteeda maan garan
Gurgurshaaga awrkiyo
Inaan Gaydho raacdiyo
Geelayga mooyee
Layma gayn Schoollada
Kuwaan guriga kagatagay
Qalinkana u golongolay
Magaalada ku gaammuray
Goobyaalka Barashada
Gobollada isaga baxay
Iyo Kuwa Garoommada
Diyaarado ku Gooshaye
Gaan shisheeye ugu baxay
Iyaguna Gugii tagay
Iima sheegin Geelloow
Waxba yaanan Gocanine
Waxba yaanan Goohine
Waxba yaanan Gayllamin
Dhulka Gayshku maamulo
Gobollada u kalajabay
Gunbburradu ku Qooqeen
Goolashuna ku Naaxeen
Gumaysigu ilmaha Dhigay
Gabannadiisi hoobteen
God Madowna seexdeen
Waxba yaanan Gayllamin
ilmadaydu Gobo,o layn
Gobannimo Maxaytahy?
Gunnimana Maxaytahy?
Ingiriiski guuryaye
Talyaanina giblaha raray
Bortaqiisna goor hore
Ayuu Gaasas fara wayn
Kagabaxay garoommada
Baraawe na ka guureen
Bullaxaar na Maba galin
Misna Galow gi baa ciya
Fiintiibaa Galaydhyayn
Guuxaygu Mabaddamo
Gacantayda midig iyo
Waxaa Xidhan Garaadkoo
Uma Guuro Dooggaba
Halkii baan Gar Duubnahay
Halkii baan ganboolkiyo
Huwanahay Go, Cawlane
Maxaa Gibisha iguxidhay
Waa La iigaraabiye
Gobannimo maxaytahay?